Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee G/Hiiraan oo sheegay in la dhameystiray Waaxihii Garsoorka ee Maamulka Islaamiga ah ee Goballka

Cabirka Farta
Arbaco, March 04, 2009(HOL): Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa sheegay in Maamulkiisu ku guuleystay in uu dhameystiro dhismaha Waaxaha dhinaca Garsoorka ee Maamulka Goballka kadib markii sida uu sheegay Maamulku uu ku dhawaaqay Xafiiska Maxkamada Racfaanka ee Goballka Hiiraan.
 
Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow waxaa uu sheegay kadib markii  la tashiyo uu la sameeyay qeybaha Culimada iyo waliba dadka aqoonta u leh arrimaha garsoorka lagama maarmaan noqotay in la helo qeybta Racaafka oo ah tan ugu muhiimsan marka laga hadlayo arimaha garsoorka iyo cadaaladda isagoo intaas raaciyay in xilkaas loo dhiibay Shiikh Max'ed Muxamed Warsme.
 
Dadka ayaa u  arka dhismaha qeybta Racfaanka ee lagu dhawaaqay mid fursad u siineysa  in ay helaan goob ay ula laabtaan xukunnada lagu rido marka aysan ku qanacsaneyn, maadaama markii hore xaalku iska  ahaa u qaado sida xukunka loo riday.
 
Laakiin hadana marka laga soo tago ku dhawaaqista maamulka iyo soo dhaweynta dadka rayidka ah dhinaca kale waxaa jira doodo iska soo horjeeda oo ay qabaan qaar ka mid ah Sharci yaqaannada, kuwaas oo ku kala duwan cidda dhab ahaan iska leh dhismaha Maxkamadda Racfaanka.
 
Qaar ka mid ah sharciyaqaannada ayaa ku doodaya in maamulku uusan awood u laheyn dhismaha qeybtan Racfaanka maadaama dalka leeyahay Dowlad iyo Wasaarado arrimahaa ku shaqo leh, waxaana ay intaas raaciyeen in Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ay tahay tan awoodda u leh dhismaha dhamaan Waaxaha Garsoorka, hase ahaatee waxaa iyana jirta aragti kale oo ay qabaan qaar ka mid ah sharciyaqaannada oo ku doodaya in maamulku haddii uu xal u arko isla markaana ay ku heshiiyaan ay sameysan karaan qeybta Racfaanka.
 
Si ksataba arrintu ha ahaatee marka aad u kuur-gasho dacwadaha ay qaado Maxkamadda Degmada Beledweyne waxaa la oran karaa intooda badan waxaa ka yimaada is qab-qabsi la xiriira qaabka garsoorku u dhaco, waxaana mar marka qaar dhacda in Maxkamadda la hor keeno arrimo dhacay 20-sano ka hor taasoo dhib badan laga muto qaadistooda.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia