Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegay in uu soo bandhigayo qorshaha ay ku shaqeyneyso Wasaaraddiisa

Cabirka Farta

Arbaco, March 04, 2009(HOL): Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh C/qaadir Cali Cumar aya maanta wuxuu si rasmi ah ula wareegay xilka Wasaaradda loo magacaabay, waxaana xilkaas ku wareejiyay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaas Muuse Nuur Amiin.

Munaasabad lagu maamuusayay xil isku wareejinta Wasiirkii hore iyo Wasiirka cusub ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Muuse Nuur Amiin ayaa markii uu xilka ku wareejinayay Wasiirka cusub waxaa uu sheegay in intii uu xilka hayay ay wax badan soo qabteen, welina ay  jirto howl badan oo loo baahan yahay in wax laga qabto. Arrimaha Ammaanka ayuu sheegay Muuse Nuur Amiin in loo baahan yahay in wax laga qabto.

“Howl baaxad leh ayaa hor-taalla Wasiirka cusub, waxaana u rajeynayaa in uu Allaah la garab-galo howsha sugeysa”ayuu yiri Muuse Nuur Amiin oo intaas ku sii daray in ay diyaar ula yihiin Wasiirka cusub wixii talo ah ee uu uga baahdo.

Wasiirka Arrimaha gudaha Shiikh C/qaadir Cali Cumar ayaa isna ka hadlay munaasabadda wuxuuna sheegay in uu ugu horeyn u mahadcelinayo Wasiirkii hore ee xilka ku wareejiyay, wuxuuna kadib sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay dhawaan soo bandhigi doonto qorshe howleedyada ay ku shaqeyn doonto waqtiga dhow iyo midka dheer.

Maalmihii aynu ka soo gudubnay ayaa xarunta gobolka Banaadir waxaa ka dhacayay xaflado ay xilal Wasaaradeed iskula wareejinayeen Wasiirro ka tirsanaa Xukuumaddii hore iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda haatan jirta ee Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Wasiirradaas ay isku wareejiyeen kaliya dukumiintiyo qoraal u badan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia