Arbaco, March 04, 2009(HOL): Inta la og-yahay saddax caruur ah ayaa ku geeriyoootay Tuulo lagu magacaabo Jacfoor oo 65-km dhinaca Galbeed kaga beegan Magaalada Beledweyne kadib markii sida wararku sheegayaan caruurtaasi ay cabeen Caano loo maleynayo in ay sumeysnaayeen.
Sida uu sheegay Waxgarad ka tirsan dadka deegaanka dhibaatadu ka dhacday sidoo kale waxaa iyaguna jira Caruur kale oo ku miyir-doorsoontay Caanaha kuwaasoo lala tacaalayo xaaladdooda Caafimaad, isagoo intaas ku daray in ay tahay markii ugu horreysay oo sidan oo kale ay ka dhacdo deegaanka uu ku nool yahay.
Lama oga sababta keentay in Caanahaasi ku sumoobaan Caruurta hase ahaatee waa suurtagal ah in dhibaatadu ka timid daawada inta badan Reer-Miyigu mariyo Jirka Xoolaha oo idil taasoo marka Neefka la lisayo saameyn ku yeelatay Caanaha.
Dadka iyagu ka Ganacsada Daawada Xoolaha iyo Dhaqaatiirtuba waxaa ay ku booriyaan dadka reer Miyiga ah in aan Daawada la taabsiin Naasaha Xoolaha, islamarkaana Neefka uusan lisin qofka isagoo aan si wanaagsan isaga dhaqin gacmaha maadaama daawadu tahay Sun waxyeello gaarsiin karta dadka Bani'aadaamka ah, laakiin hadana waxaa muuqaneysa in inta badan reer Miyigu aaney arintaas ku baraarugsaneyn.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Caruur u dhimatay Caano sumeysan oo ay ku cabeen duleedka Magaalada Beledweyne
Cabirka Farta
More News
- Midowga Yurub oo Qoraal ka soo saaray Doorashooyinka Somaliland
- 6 Ruux oo ku geeriyootay dagaal ka dhacay degmada Ufayn iyo Maamulka Gobolka Bari oo halkaasi gaaray
- Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Ganacsatada Gobolka Banaadir
- Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegay in uu soo bandhigayo qorshaha ay ku shaqeyneyso Wasaaraddiisa
- Ciidamada Jarmalka ee ku sugan xeebaha SOomaaliya oo 9 burcad Badeed ah ka qabtay Xeebaha Soomaaliya
- Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee G/Hiiraan oo sheegay in la dhameystiray Waaxihii Garsoorka ee Maamulka Islaamiga ah ee Goballka