Arbaco, March 04, 2009(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Ra’iisal Wasaarahiisa Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa maanta waxay kulan kula qaateen Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia xubno ka socday Guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir.
Kulanka ay yeesheen madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ku saabsanaa sidii ay labada dhinac isaga kaashaan lahaayeen sugidda ammaanka dalka, sii wadidda dib u heshiisiinta iyo cadaaladda.
Madaxa Warfaafinta ee Xafiiska Madaxweynaha C/llaahi Yuusuf Shiikh Nuur Khadar ayaa kulankaas kadib saxaafadda u sheegay in kulanka ay labada dhinac isugu yimaadeen uu ahaa mid ku dhamaaday guul iyo af-garad.
C/llaahi Khadar waxaa uu intaas ku daray in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ay Ganacsatada u gudbiyeen codsi ah in ay dowladda ka gacan siiyaan sidii ay u soo celin lahaayeen sharcigii iyo kala dambeyntii, iyadoo sidoo kalena ay ganacsatada u sheegeen in ay xubno ku soo darsadaan guddi seddex geesood ah oo ammaanka iyo dib u heshiisiinta ka shaqeynaya.
Ganacsatada ayuu sheegay C/llaahi Khadar in ay iyana madaxda Dowladda u gudbiyeen codsi ah in ay dowladda ka shaqeyso sidii dagaallada looga joojin lahaa dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo sidii loo suurtagelin lahaa jawi nabadeed oo ganacsatada u saamaxaya in ay u adeegaan Shacabka Soomaaliyeed
Kulanka maanta dhexmaray madaxda Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaarihiisa ay kulamo kula qaadanayeen magaalada Muqdisho Odayaasha Dhaqanka iyo Culimaa’udiinka Magaalada Muqdisho, iyadoo dhamaan wada hadalladaasna ay salka ku hayeen sidii loo baajin lahaa dagaallo kale oo dalka ka dhaca iyo sidii dalka ammaan loogu soo dabaali lahaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia