Jimco, March 13, 2009(HOL): Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Somaliland ee dhawaan la magacaabay Xasan Maxamed Cumar (Looshade) ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, ka dib markii Xanuun kedis ahi ku soo booday.
Marxuum Xasan Maxamed (Looshade) oo xubin ka ahaa guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta sida la sheegay Wadne-xanuun si degdeg ah ugu soo booday ugu geeriyooday Magaalada Hargeysa. Geerida ku timi Guddoomiyaha guddida Diiwaangelinta Somaliland waxa Tacsi u diray Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday iyo Shacabka Somaliland Xubnaha Komishanka Doorashooyinka iyo Masuuliyiinta Dawladda Somaliland.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland