Jimco, March 13, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in deegaanno ka tirsan Gobolkaas ay ka jiraan cudurro iyo biyo la’aan aad u daran.
Deegaananda Qoor-dheere iyo War Ciise oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa la soo sheegayaa in dad badan ay cudurka shubanka ugu dhinteen, iyadoo isla deegaannadaasna ay ka jirto biyo la’aan daran.
Mid ka mid ah Dadka Deegaannadaas ayaa sheegay in heerka biyo la’aanta ay gaartay in xitaa qofkii dhinta la aaso iyadoo aan la dhaqin sabab la xiriirta biyo la’aan deegaannadaas ka jirta.
Wakiillo ka socda Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Mas’uuliyiin ka trisan Maamulka Gobolka ayaa socdaal indha-indheyn ah ugu amba baxay deegaannada biyo la’aanta iyo caafimaad darrada laga soo sheegayo.
Mas’uuliyiin u hadlay Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in ay dhaqaatiir u diraan deegaannada cudurrada laga soo sheegayo, sidoo kalena ay biyo dhaamin u sameeyaan dadka ku dhaqan meelaha ugu daran ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ka tirsan.
Biyo la’aantan aadka ugu daran ku dhufatay deegaananda Qoor-dheere, War Ciise iyo Deegaanno kale oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa loo aaneynayaa iyadoo sanadkan uusan si fiican u di’in roobkii deyrta, tiiyoo ay xusid mudan tahay in deeggaannadaas ay ku yar yihiin Ceel-Biyoodyada.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia