Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Uganda

Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Jimco, March 13, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxay maanta gaareen Magaalada Kampala ee Caasimadda u ah Dalka Uganda.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo ka soo kicitimay Garoonka Diyaaradaha Bujumbura ee Dalka Burundi ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Entebbe ee Magaalada Kampala ku soo dhaweeyay madax ka tirsan Dowladda Uganda.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Kampala ee Dalka Uganda waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, kaasi oo ay isla soo qaadi doonaan arrimo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Uganda iyo weliba arrimo kale oo ku saabsan Ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho. Sidoo kalena waxaa suurtagal ah in madaxweynaha uu la kulmo inta uu ku sugan yahay Dalka Uganda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan.

Dalka Uganda ayaa wuxuu ka mid yahay Wadamo faro-ku-tiris ah oo ay Dadka Soomaaliyeed geli karaan iyagoo aan horay u sii qaadan wax Dal-ku-gal ah, waxaana Dal-ku-galka la siiyaa marka ay ka degaan Garoonka Diyaaradaha Entebbe ee Dalka Uganda.

Dalalka Uganda iyo Burundi ee uu madaxweynaha Soomaaliya booqday ayaa waxaa Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ka jooga Ciidamo 4000 oo askari ku dhow, kuwaasi oo Muqdisho u jooga in ay sugaan ammaanka goobo ay ka taliso Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu horay socdaallo ugu soo kala bixiyay Dalalka Kenya iyo Burundi, kuwaasi oo uu madaxdooda sarena kulamo la soo qaatay. Ugu dambeyntiina Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marka ay u  dhamaato booqashada uu ku joogo Dalka Uganda waxaa uu ku noqon doonaa Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, inkastoo ay suurtagal tahay in uu safarro kale sii galo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia