Jimco, March 13, 2009(HOL): Guddiga gurmadka abaaraha ee gobbolka Hiiraan ayaa sheegay in xaalad aadaminimo oo ka dhalatay abaar daran iyo biyo la’aan ka jirta meelo ka mid ah gobbolka Hiiraan ay sababtay in dad badani ay noloshoodu halis gasho kadib markii ay dhaafeen xoolihii ay ku tiirsanaayeen , waxaana xoolo faro-ku-tiris ah oo ku soo haray ay la liitaan jirro abaarta ka dhalatay sanado dhowr ah oo roobabku baaqdeen.
Ku xigeenka guddoomiyaha Magaalada B/weyne C/raxman Cilmi Cabdi (Buruki) ayaa wareysi uu siiyay BBC da ku sheegay in dad iyo xoolo la il-daran abaarta uu ku soo arkay tuulooyinka Afar-irdood, Ontoraalle, Cumar Yool ee degmadda Maxaas
waxaana arkay buu yiri "" Carruur dugsiley ah oo dhamaantoodba la jiifa xanuunno ay ka mid yihiin Malaria, kuwaasi oo aan haysan dawo iska daaye biyo ay cabaan"".
Waxaa kalle oo aan arkay buu yiri dumar iyo carruur sidoo kale xanuunsanaya oo raggoodi ay isaga tageen, “markii ay i arkeen wey igu soo yaaceen waxayna iga codsadeen in aan magaalada B/weyne geeyo, mana awoodin oo waxaan watay gaari yar"ayuu yiri C/raxmaan Buruki.
C/raxmaan Buruki waxaa uu si dareen ku jiro u cabiray xanuunka abaarta isagoo ku cel celiyay in ka maamul ahaan ay yar tahay awooddooda “waxaan ka codsanayaa hay'adaha Samafalka iyo jaaliyadaha reer Hiiraan in ay caawiyaan dadkooda si looga gargaaro abaartan oo haddaan dhaqso looga jawaabin ay dad badani u dhiman karaan gaajo iyo harraad”ayuu mar kale yiri Ku xigeenka Guddoomiyaha Beledweyne C/raxmaan Buruki.
Dhulka abaarta kajirto waa meelaha aan Wabigu marin ee berriga iyo galbeedka Hiiraan, waxaana dhulka ugu daran ka mid ah Magaalooyinka Matabaan, Maxaas iyo deegaanka Buq-aqable oo ka durugsan Wabiga Shabeelle ee mara gobolka Hiiraan.
Gobbolka Hiiraan waxaa uu dhacaa bartamaha Soomaaliya ,waxaana inta badan dadka ku nooli ay ku tiirsan yihiin beeraha iyo xoolaha inkastoo ay jiraan dad ganacsiga caadiga ah ku tiisan.
Sababta abaartan u saameysay Miyi iyo Magaalo ayay Qaramada Midobay ku sheegtay in ay ka dhalatay roob la’aan jirtay dhowr sano oo xiriir ah, waxaana baaqashadda rooobabkaasi ay keneen in xoolo badani ay dhulka Miyiga ah ugu dhintaan abaarta awgeed, isla markaana dad badan oo miyiga ka soo cararay ay gaareen Magaalooyinka si ay nolol uga helaan, waxayna dadkaasi aqallo aan tayadoodu wanagsanayn ka sameysteen Magaaloyinka B/weyne Buulo-burte, Jalalaqsi iyo deegaannadda Ceel Cali, Buq-aqable, Halgan, Beer-Gadiid iyo meelo kale.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia