Jimco, March 13, 2009(HOL): Maxkamadaha Islaamka ayaa si diirran u soo dhaweeyay go’aan ka soo baxay Golaha Wasiirrada Xukuumadd Midnimada Qaran ee Soomaaliya, kaasi oo ahaa in Shareecada Islaamka lagu xukumo dalka Soomaaliya.
Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in go’aankaas uu ahaa mid muhiim ah oo loo baahnaa in ay qaataan Golaha Wasiirrada, wuxuuna ugu baaqay Dowladda in ay go’aankaas ficil ahaan u bedesho.
“Waxaa loo baahan yahay in Dowladda ay howlgeliso Maxkamado dadka ugu kala xaq-soora shareecada Islaamka, hana la geeyo Maxkamadahaas dad Shareecada Islaamka aqoon fiican u leh”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow.
C/raxiin Ciise Caddow oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo dadka weli ka soo horjeeda Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ee sheegaya in aysan daacad ka ahayn Dowladda in dalka lagu xukumo Shareecada Islaamka ayaa sheegay in qofkii diidan in Dowladda ay dalka ku xukunto Shareecada Islaamka uu qofkaas yahay qof dano kale leh.
“Annaga waxaan leenahay go’aanka ka soo baxay Golaha Wasiirrada, haddana la rajeynayo in loo gudbiyo Baarlamaanka wuxuu ahaa mid muhiim ah oo loo baahnaa in ay ku dhaqaaqdo Dowladda Soomaaliya”ayuu mar kale yiri C/raxiin Ciise Caddow.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia