Jimco, March 13, 2009(HOL): Mas’uuliyiinta maamulladii Gobollada Bay iyo Bakool ee ay ka itaalka roonaadeen Xoogagga Al-Shabaab ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in ay dib u qabsadaan deegaanno ka tirsan Gobolladaas oo ay haatan ka taliyaan Xoogagga Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Degmada Xudur ee Dowladdii TFG-da Maxamed Macallin Axmed ayaa sheegay in haatan ku jiraan diyaar-garowgii ugu dambeeyay oo ay dib ugu qabsanayaan Gobollada Bay iyo Bakool oo ay horay uga carareen.
Maxamed Macallin waxaa uu beeniyay warar sheegayay in ay gacan ka heleen Itoobiya, isla markaana haddii ay dhacdo in ay dib u qabsadaan gobolladaas ay taasi u sahleyso Dowladda Itoobiya, “Warkaas waxba kama jiro, mana jirto wax taageero ah oo ay Itoobiya na siisay ama na siineyso”ayuu yiri Maxamed Macallin Axmed oo sheegay in ay ku sugan yihiin deegaanno u dhow Degmada Xudur oo ay taliyaan Xoogagga Al-Shabaab, dhawaanna ay soo weerari doonaan.
Guddoomiyaha Maamulkii Gobolka Bay ee Dowladdii TFG-da C/fataax Ibraahim Geesey ayaa isna dhawaan sheegay in ay dib gacantooda ugu soo noqon doonaan Gobollada Bay iyo Bakool oo sida uu hadlka u dhigay ay qabsadeen dad ku soo duulay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, hadallada ay sii daayeen mas’uuliyiintan madaxda ka ahaa Maamulladii ay Dowladdii TFG-da magacawday ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan uu dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab maamul u sameeay Gobolladaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia