Talaado, June 30, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo aawadeed. Madaxweynaha ayaa hambalyadan u diray Shacabka Soomaaliyeed xili uu ka dhoofayay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa u dhoofay Magaalada Sirta ee Dalka Liibiya, halkaasi oo uu uga qeybgelayo shir ay isugu imaanayaan madaxda Midowga Afrika, iyadoo shirkaasna la rajeynayo in ay ka soo baxaan go’aanno ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan sidii loo gacan siin lahaa Dowladda Soomaaliya oo hadda dagaallo xooggan kula jirta kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Madaxweyne Shariif waxaa uu sheegay in 1-da Luulyo ay shacabka Soomaaliyeed ku xusuustaan maalin ay iska tuureen heeryadii gumeysiga, isla markaana ay midoobeen Gobollada Waqooyi iyo Koofur ee Soomaaliya.
“Waxaa kale oo aan ku xusuusanaa maalintaas 13kii dhalinyarada ahaa ee SYL ee u soo halgamay xornimo-qaadashadii Soomaaliya, waana maalin ku weyn qof kasta oo qalbigiisa ay wadaniyad ku jirto”ayuu yri madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Intaas kaddib madaxweynaha ayaa qudbaddii uu hambalyadaas ku jeedinayay waxaa uu ku weeraray kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay kooxahaas yihiin kuwo dalka Soomaaliya la doonaya in uusan xoroobin, “markii ay kala daadatay Dowladdii hore, isla markaana aysan dowladdan soo gaarin dalka ayay dalka soo geliyeen kooxo ajnabi ah, waxayna u diyaargaroobayeen sidii ay dalka u qabsan lahaayeen”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in Dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso sidii ay amnigii iyo kala dambeyntii u soo celin lahayd, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay gacan siiyaan Dowladda Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay hambalyo ugu diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Shacabka Jibouti isagoo ugu hambalyeeyay 26-kii June oo ku beegan markii ay Gobollada Waqooyi ee hadda la baxay Somaliland ay xornimada ka qaateen Ingiriiska iyo iyo 27-kii June oo ku beegan markii ay Shacabka Jibouti xornimada ka qaateen Faransiiska.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya