Talaado, 30, June, 2009 (HOL): Guddoomiyihii Maxkamada Racfaanka Goballka Hiiraan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka tagay xilkii uu ka hayay Maxkamada isaga oo intaa ku daray in Maamulka sare ee Goballka Hiiraan uu u gudbiyay istiqlaalada uu kaga tagayo xilka uu ku magacaawnaa.
Shiikh Max'ed Muxumed Warsme waxaa ku macneeyay xil ka tagistiisa sababo la xiriira marxalada maanta uu dalka marayo iyo howlo isaga u gaar ah waxaana uu sheegay in wixii watigan ka danbeeya uu ahaan doono shaqsi ka tirsan Shacabka reer Hiiraan, islamarkaana uu qabsan doono danihiisa gaarka ah.
Shiikh Max'ed waxaa uu meesha ka saaray in ay jirto cid si gaar ah ugu cadaadisay in uu xilka ka tago iyo hadii ay jiraan hanjabaadyo loo soo jeediyay intaba, laakiin waxaa uu sheegay in uu iskii go'aan u qaatay.
Ma'aha Mas'uulkii ugu horeeyay ee si cad u sheega in uu xilka isaga tagay waxaa sidoo kale horay isaga casilay xilkii Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee degmada Beledweyne Shiikh Aadan Ibraahim Jilibey oo aan ilaa hadda la magacaabin Mas'uulkii badali lahaa.
Dhinaca kale saakay waabarigii hore ayaa dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne waxaa ay maqleen rasaas goos goos ah oo ka dhaceysa Buundada Liq-liqato ee kala barta Xaafada Howl-wadaag ee Gal-beedka Magaalada Beledweyne iyo xaafadaha kale ee Magaalada, waxaana wararku sheegayaan rasaastiisa ay isku ridayeen Ciidamo isku hor fadhiya Buudada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Guddoomiyihii Maxkamada Racfaanka Goballka Hiiraan oo xilkii iska casilay
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya oo hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo aawadeed
- Bangiga Islaamiga ah ee Dayax oo Xarun cusub ka furtay Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirrada)
- Guddomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Hiiraan oo Muqdisho u dhoofay
- Qarax waxyeello geystay oo ka dhacay nawaaxiga Dugsigii 21-ka Oktoobar ee Magaalada Muqdisho
- Magaalada Boosaaso oo loogaga dhawaaqay uruka dhawrista Saxafiyiinta Puntland
- Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo oo ugu baaqay Dadka Shacabka ah ee Reer Kismaayo in ay u istaagaan Dagaal Jihaad ah