Magaalada Boosaaso oo loogaga dhawaaqay uruka dhawrista Saxafiyiinta Puntland

Talaado, 30, June, 2009 (HOL): Magaalada Boosaaso oo ah halka ay ka hawlgalaan saxafiyiinta ugu badan ee Puntland islamarkaana xarumo warbaahineed oo badani ay ku yaallaan dhawaanahaan waxaa ka jiray ku xadgudub dhanka Saxaafadda ah, iyadoo taasina ay saxafiyiinta si weyn uga cabanayeen.

Waxaa jiray ururo dhawra oo ka shaqeeynayay hawlaha Saxaafada Puntland inkastoo markii dambe ay iska hawlgabeen mudadii aysan saxafiyiinta Puntland aysan lahayn urur ay ku midaysan yihiin. waxaa jiray saxafiyiin badan oo reer Puntland ah oo dhawrjeer xarig loo gaystay iyadoo aan loo soo marin wadadii saxda ahayd ee marka saxafiyiinta la xirayo loosoo mari jiray.

Taasi waxay sababtay in maanta xarunta dawladda hoose ee magaalada Boosaaso lagu qabto xaflad lagu soo bandhigayo urur cusub oo ay leeyihiin Saxafiyiinta Puntland kaasi oo lagu magacaabo Puntland Journalist Protection (PJP), waxayna howshiisu noqon doontaa difaacidda xuquuqda saxafiyiinta Puntland.

Kulankaasi waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin faro badan oo ka tirsan maamulka Boosaaso iyo saxafiiyiinta reer Puntland qeybahooda kala duwan waxaana ay dhamaan dadkii kulankaas ka soo qaybgalay ay sheegeen inay u riyaaqayaan isla markaana ay soo dhawaynayaa uruka cusub.

Iimaan Mohamed Gaani
[email protected]
Booisaaso, Somalia