Talaado, June 30, 2009(HOL): Qarax loo adeegsaday miinada dhulka aaso ee meelaha laga hago ayaa waxaa uu ka dhacay nawaaxiga Dugsigii 21-ka November ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaasna uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Qaraxan ayaa wuxuu geystay dhimashada 2 ruux iyo dhaawaca 4 ruux oo kale, kuwaasi oo isugu jiray askar ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo Dad rayid ah oo ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay. qaraxaas kaddib ayaa waxaa goobta soo gaaray gaadiidka gurmadka deg degta ah, kuwaasi oo isbitaallada Muqdisho u qaaday dadkii qaraxa ku dhaawacmay.
Sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah qaraxa ayaa waxaa loola dan lahaa gaari ay la socdeen ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya, kaasi oo ka gudbay halka miinada ku aasneyd, kaddibna uu gadaasha gaariga loola dan lahaa ka qarxay. Wadada hor-marta 21-ka Oktoobar ayaa waxay noqotay mid ay ka dhacaan qaraxyada loo adeegsado Miinooyinka, waxaana halkaas horay loogu qarxiyay gaadiid ay la socdeen mas’uuliyiin iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu horeysay oo uu qarax ka dhaco Wadada hor-marta Dugsiga 21-ka Oktoobar, waxaana halkaas horay uga dhacay qaraxyo qaarkood lala eegtay Gaadiid ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo weliba kuwo ay dad rayid ah la socdeen, kuwaasi oo uu ugu darnaa mid haleelay gaari ay la socdeen Haween aad u badan oo Qaadka ka ganacsan jiray, kuwaasi oo qaarkood geeriyoodeen, halka kuwo kalena ay dhaawacmeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya