Talaado, 30, June, 2009 (HOL): Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo ayaa habeenimadii xalay ugu baaqay Dadweeynaha Shacabka ah ee ku nool Gobollada Jubbooyinka iyo guud ahaanba Wadanka Soomaaliya in ay galaan Dagaalka Jihaadka ah ee ka soconaya Bartamaha Soomaaliya.
Waxaana ay sheegeen Masuuliyiinta Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo in ay dhabarka ka jabiyeen waxa ay ugu yeereen Cadowga kula Dagaalamayay Gudaha Wadanka Soomaaliya, waxaana ay intaasi ku dareen in Dagaalka ka soconaya Soomaaliya uu yahay Waajib Cayni ah oo looga baahan yahay shaqsi kasta oo Soomaaliya in uu ka qeybgalo.
Sidoo kale waxa ay mas’uuliyiinta Maamulku sheegeen in ay la dagaalamayaan Ciidamada shisheeye ee la sheegay in ay kusoo socdaan Gudaha Wadanka Soomaaliya, iyagoo intaasi raaciyay in ay jiraan Ciidamo ay qalqaalinayaan Itoobiyaanka oo ku sugan Xadadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaasoo ay sheegeen in la doonayo in ay dagaal ku soo qaadaan meelaha ay gacanta ku hayaan Ururrada Islaamiga ah ee Soomaaliya.
Sheek C/qani Max’ed Yuusuf oo ah Guddoomiye ku xigeenka Magaalada Kismaayo ayaa hadalkaasi shacabka u jeediyay wuxuuna sheegay in Dowlada Itoobiya oo ay ka dagi weyday Soomaaliya ayna ugu tagayaan halka ay ku sugan tahay.
Waxaana hadalkani uu imaanayaa kaddib markii hal todobaad ka hor ay codsatay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya in loo soo diro Gudaha Soomaaliya Ciidamo Shisheeye oo gacan siiya Xukuumadda ay qatarta geliyeen Ururrada Islaamiga ah ee kula dagaalamaya gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayna sheegtay Xukuumadda KMG ah in aysan u bir dhigi karin Awoodda kaga imaaneysa Kooxaha Islaamiga ah ee gacanta ku dhigay inta badan Koonfurta Wadanka Soomaaliya.
Hiiraan, Online
Kismaayo, Soomaaliya