Talaado, June 30, 2009(HOL): Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee gobolka Hiiraan ee taageersan Dowladda Soomaaliya Shiikh C/raxmaan Macow ayaa maanta u amba baxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya.
Socdaalka Guddoomiyaha oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa waxaan ilaa iyo haatan laga heynin warar faahfaahsan, waxaase jira warar iskhilaafsan oo ka soo baxaya sababta socdaalka Guddoomiye Shiikh C/raxmaan Mocow.
Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Guddoomiyaha ay Muqdisho uga yeereen madaxda sare ee Dowladda, isla markaana lagala hadlo arrimo ku saabsan xaaladda Gobolka Hiiraan.
Socdaalka uu Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ugu amba baxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo xigay iyadoo guddoomiye ku xigeenkii gobolka Hiiraan ee xiligii maxkamadaha Islaamka sanadkii 2006 Shiikh Xasan Shiikh Maxamuud uu sheegay in Maamulka Gobolka Hiiraan uu taageeradii kala laabtay Dowladda Soomaaliya, isla markaana sida uu u yiri uu Gobolka Hiiraan u furan yahay Dadka Muslimiinta ah oo dhan.
“Aniga Dowlad iima magacaabin xilka, wasiir ma ahayn, Xildhibaanna ma ahayn, sidaas darteed waxaan caddeyneynaa in uusan gobolka hoostegin Dowladda Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Xasan Shiikh Maxamuud oo u warramayay Idaacadda HornAfrik ee Magaalada Muqdisho.
Saaka ayay ahayd markii uu isna xilkii Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hiiraan iska casilay Shiikh Max'ed Muxumed Warsame oo sheegay in aaney xiligan munaasab u ahayn in uu xil sii hayo, wuxuuna ku gaabsaday in uu howlihiisa u weecin doono dhinaca faafinta Diinta Islaamka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]