Sabti, June 20, 2009(HOL): Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shirkiisa uga hadlay xaaladda uu dalka Soomaaliya ku jiro, gaar ahaan tan Muqdisho.
Shirkaas ayaa markii uu soo gebageboobay waxaa saxaafadda la hadlay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Farxaan Cali Maxamuud oo sheegay in ay shirkooda ka soo saareen afar qodob oo kala ah:
In dalka uu gelayo Xaalad deg deg ah, iyadoo waqtigaasna uu ka bilaabanayo marka uu Madaxweynaha saxiixo.
In Dalalka Caalamka, gaar ahaan kuwa Soomaaliya la deriska ah ay u soo gurmadaan Soomaaliya si ay difaac ugu noqdaan
In Hay’adaha samafalka Caalamka ay u soo gurmadaan dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho.
Iyo In Dadka Soomaaliyeed ay difaacdaan Dalkooda iyo Calankooda
Shirkan uu sheegay Golaha Soomaaliya iyo go’aannada ka soo baxay ayaa wuxuu ku soo aadayaa iyadoo maanta Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ku dhawaaqay codsi uu u diray Dalalka Beesha Caalamka iyo kuwa Soomaaliya la deriska ah in ay u soo gurmadaan DowladdaSoomaaliya oo xaalad khatar ah ay soo wajahday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya