Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dugsiyada sare iyo dhexe ee Somaliland oo maanta bilaabmay

Sabti, 20 June 2009 (HOL): Guud ahaan Gobollada Somaliland waxa saaka ka bilaabmay Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee fasallada 4aad ee Dugsiyada sare iyo 8aad ee Dugsiyada dhexe ee Somaliland.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddida Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax, abbaaro 8:00 subaxnimo ee saaka ayaa waxa gobollada dalka oo dhan ka bilaabmay Imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa ee Dugsiyada sare iyo dhexe. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guud ahaan Dugsiyada sare ee Imtixaanaadku maanta ka bilaabmayaa ay dhan yihiin 32 Dugsi sare, isla markaana ardayda fasalada 4aad ee Dugsiyada sare ee Imtixaanka u fadhiisanaysa ay tiradoodu dhan tahay 3,166 (Saddex kun, boqol iyo lix iyo lixdan arday) dalka oo dhan. Sidoo kale, waxa uu Guddoomiyaha Guddida Imtixaanaadku sheegay in Dugsiyada dhexe ee Imitixaanaadku ka dhacayaan dalka oo dhan ay dhan yihiin 132 Dugsi, tirada ardayda fasalka siddeedaad ee Dugsiyada dhexe ee Imtixaanka u fadhiisanaysaana ay dhan yihiin, 8,128 (Siddeed kun, boqol io siddeed iyo labaatan Arday) dalka oo dhan.

Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax waxa kale oo uu intaa ku daray in Dugsiyada dhexe ee fasalada siddeedaad uu Imtixaanku u socon doono 3 Maalmood. Halka kuwa sare ee fasalada afraad-na uu ka soconayo 6 maalmood. Isla markaana ay Imtixaanadu si nabad ah u wada gaadheen dhammaan gobollada dalka oo dhan ilaa Deegaanka Buraan ee dhinaca bariga Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, guud ahaan marka laysu geeyo Ardayda Dugsiyada sare iyo dhexe, waxa saaka imtixaanka shahaadiga ah ee dalka u fadhiistay  11,294 (Kow iyo toban kun, laba boqol iyo afar iyo sagaashan arday). Kuwaas oo ku kala galay 164 Dugsi (Boqol iyo afar iyo lixdan Dugsi) oo dalka oo dhan ah.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.