Sabti, June 20, 2009(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saaka ilaa caawa (Waqtiga Muqdisho) waxaa ka socda dagaallo xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dhinacyada dagaallamaya ayaa waxay ilaa saaka ku hardamayaan gacan ku heynta Degmooyinka Shibis, Boondheere, Yaaqshiid iyo qeybo ka mid ah Degmada Kaaraan, wuxuuna haatan dagaalka ka socdaa inta u dhaxeysa Isgoysyada Sanca iyo Afarta Jardiino iyo Sanca Afarta Jardiino.
Dagaalka maanta kaliya dhacay ayaa waxaa uu geystay dhimashada dad 10 ruux ka badan iyo dhaawac 100 ruux ka badan, kuwaasi oo dhamaantood ah dad rayid ah. Dadkani dhintay iyo kuwa dhaawacmay kuma jiraan dhinacyada dagaallamay.
Waxaa xusid mudan in dagaalka maanta dhacay uu ahaa mid aad u xooggan oo ka dhacay degmooyin nabdoonaa muddooyinkii ugu dambeeyay sida Degmooyinka Shibis iyo Kaaraan oo kale. Degmada Shibis ayaa waxaa maanta si weyn uga barakacay inta badan dadkii ku noolaa, sidoo kalena waxaa jira in dad shalay ka soo qaxay Degmada Kaaraan ay maanta ka sii barakaceen degmooyinka Shibis, Boondheere iyo Yaaqshiid oo ay dagaallada uga daba tageen.
Magaalada Muqdisho haatan ma jirto meel meel dhaanta oo amni ka jirto, waxayna dadku haatan bilaabeen in ay u barakacaan duleedyada Muqdisho, iyadoo ay jiraan dad kale oo dalka oo dhan isaga wada baxay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya