Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya oo xaqiijiyay in ay Dowladda Kenya faragelineyso Soomaaliya

Sabti, June 20, 2009(HOL): Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin ayaa sheegay in ay Dowladda Kenya faragelineyso Soomaaliya.

Isagoo wareysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayuu sheegay Faarax Macallin in ay Dowladda Kenya Soomaaliya u faragelineyso sababo la xiriira dhinaca ammaankeeda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay faragelintaas noqon karto mid dhinaca farsamada iyo logistic-kada ah.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin waxaa uu sheegay in xaaladda Soomaaliya aan xasilooneyn darteed ay Kenya ku qasban tahay in ay amniga xuduudaheeda sugato, wuxuuse farta ku fiiqay in aysan jiri doonin Ciidamo ay Kenya u direyso Soomaaliya.

Dhanka kalena, Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in haddii Kenya ay Ciidamo soo geliso Soomaaliya ay iyana gudaha u geli doonaan Kenya, isla markaana ay dhibaato ka geysan doonaan.

“Waxaa la yiri adiga oo guri muraayad ah ku jira lama bilaabo dhagax-tuuris. Kenya haddii ay Dhoobley timaado, annaga waxaan tegeynaa Town-ka Nairobi, ma rabno Gaarisa iyo Dhulka ay Muslimiinta joogaan”sidaas waxaa yiri Xoghayaha Warfaafinta Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo.

Haatan oo ay labadan mas’uul sidaas u hadlayaan ayaa waxay Dowladda Kenya Ciidamo tiro badan soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Moses Watengula uu shalay shaaciyay in ay Dowladda Kenya si deg deg ah u faragelineyso Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya