Maamulka Kismaayo oo sheegay in uu ka guuleystay Dowladda Soomaaliya

Sabti, June 20, 2009(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo Maanta shir jaraa'id Saxaafadda u qabtay oo ay kaga hadlayeen Arimaha ka taagan Soomaaliya.
 
Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa shirka Jaraa'id uga hadlay dhinacyo kala duwan oo ay ugu horreeyaan Arimaha ka taagan Koonfurta Soomaaliya gaar ahaanna Muqdisho oo ay kula dagaalamayaan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
 
Maamulka ayaa sheegay in ay kaga guuleystay Xukuumadda Shariifka Dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo kamid ah gobollada Dalka, kuwaasoo ay sheegeen in ay ku dileen saraakiil sar sare oo ka mid ah Dowlada KMG ah oo uu Madaxda ka yahay Shariif Sheekh Axmed.
 
Waxaana Maamulku uu ku soo bandhigay Shirkani Jaraa'id Magacyada Masuuliyiin Fara badan oo katirsan Dowlada KMG ah oo todobaadkan gudihiisa ay ku dileen Magaalada Muqdisho iyo Meelo kale, kuwaasoo uu kamid yahay Wasiirka Amniga qaranka Dowlada KMG ah Cumar Xaashi Aadan iyo Saraakiil Sare oo dhamaantoodba kamid ahaa Dowlada KMG ah, uuna ugu danbeeyay Xildhibaan galabnimadii shalay lagu dilay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda ah.
 
Sheekh Xasan Yacquub Cali oo ah Afhayeenka Maamullada Jubooyinka oo baryahan Safar uga maqnaa Magaalada Kismaayo hadana dib ugu soo noqday oo Maanta shirkani jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay in ay kaga guuleysteen Dowlada KMG ah Dagaaladii ku dhex maray Muqdisho, waxaana uu yiri Xukuumaddu waxa ay isku dayday in ay Dagaalka u wareejiso gobollo kale oo kamid ah Soomaaliya waxaana aan ku guuleysannay in aan dilno Saraakiishii loo diray Gobolladaasi oo uu kamid ahaa Cumar Xaashi Aadan.
 
Hadalkan kasoo yeeray Maamulka Kismaayo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xilli ay dagaallo weli kasii soconayaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, islamarkaasina Xukuumadda Wadanka Kenya ay sheegtay in ay Ciidamadeedu soo galayaan Gudaha Soomaaliya.

Hiiraan, Online.
Kismayo, Soomaaliya