
Sabti, June 20, 2009(HOL): Shiikh Xasan Daahir Aweys, Guddoomiyaha Xisbul Islaam ayaa sheegay in haddii ay Ciidamo shisheeye soo gaaraan Soomaaliya ay la dagaallami doonaan, isla markaana sida uu u yiri ay ka gudan doonaan waajibkooda.
Shiikh Xasan Daahir oo wareysi gaar ah siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOAda ayaa sheegay in ciidamada shisheeye ee hadda jooga Soomaaliya iyo kuwa soo socdaba ay isugu mid yihiin, isla markaana ay la dagaallamayaan.
Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay Shiikh Xasan in markii mas’uuliyiinteeda ay fashilmeen ay dalbanayaan ciidamo shisheeye, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dalbashada ciidamada shisheeye ay uga wanaagsaneyd in ay is-casilaan oo markaasina Umadda ku celiyaan xilka ay hayaan.
Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu intaas ku daray in aysan wax baqdin ah ku heynin ciidamo shisheeye ah oo Soomaaliya soo gala, wuxuuna caddeeyay in ay u taagan yihiin in ay dib u xoreeyaan dalka Soomaaliya.
Mar wax laga weydiiyay waxa ka hortaagan in ay wada hadallo la furaan dowladda Soomaaliya si dagaallada loo soo afjaro ayuu sheegay in mas’uuliyiinta aysan ahayn kuwo talo ka go’do, wuxuunta carrabka ku dhuftay in ay yihiin kuwo lagu adeeganayo oo aan afkaartooda xor u ahayn.
Hadalka uu sii daayay Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maanta Dowladda Soomaaliya ay Dalalka Caalamka iyo kuwa Soomaaliya la deriska ah ka codsatay in ay muddo 24 saacadood ah ugu soo gurmadaan, si ay ugu difaacaan dagaalayanno Soomaali iyo Ajnabi isugu jira oo weerar ku ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya