Baaqaan,waxaa si wadajir ah usoo saaray Ururada hoos ku qoran.
KU: Dhamman Dadka Reer Hiiraan Gudaha iyo Dibaddaba.
KU:Golaha Guurtida Gobolka Hiiraan.
Ku:Warbaahinta Gudaha iyo Dibadda.
UJEEDDO: CANBAARAYN,TACSI IYO TALO SOO JEEDIN .
Waxaan marka hore halkaan tacsi Murugo iyo Naxdin xan baarsan aan u gudbinaynaa Bulshda reer Hiiraan, gudaha iyo dibaddaba,gaar ahaan Ehelada iyo qaraabada dadkoodii ku geeriyoodeen weerarada argagixisada ah ee loo adeegsaday gaari Miinaysan oo Argagixiso is Miidaamin ahi waday;ILAAHAY samir iyo Iimaan ha innaga siiyo,iyagana naxariitiisa Jannada ha ka waraabiyo.
Ururada hoos ku qoran,waxay canbaaraynayaan weeraradaas bahalnimada ah ee ka baxsan dhaqanka Islaamka,Ilbaxanimada iyo dhaqnka Soomaalida ee aan loo kala meel dayin Madax iyo Maato,Kuwaas oo si toos ah loola beegsaday 18 june 2009, Hoteelkii ay daganaayeen, laguna xasuuqay Wasiirkii Amniga Dowladda KMG Marxuum,Geesi, Mujaahid Cumar Xaashi Aadan,Marxuum Danjire Cabdi-kariim X. Faarax (Laqanyo), Saraakiil sare iyo Odayaal dhaqameed qiimo weyn inoogu fadhiyay.
Hadaba,waxaa loo baahan yahay in caqliga la kaashado oo dagaaladaan sokeeye oo macno darada ah meel la iska dhigo oo loo soo jeesto waxa hortiina iyo hareerahiina ka dhacaya,lagana tashado sidii loo difaaci lahaa Xoolaha,Beeraha iyo Biyaha Gobolka Hiiraan ALLA ku manaystay.
Ururadaan, ayagoo katurjumayo xaaladda qalafsan ee maanta Dalka marayo,waxaan soo jeedinaynaa arimaha-kan hoos ku qoran:
1) In Bulshada reer Hiiraan is kaashadaan ,nabaddana kawada shaqeeyaan,dadka ku dhex-noolna ay nabad geliyaan,kuwa aan u danay-neenin ay meel uga soo wada jeestaan,annagoo ka xun warqadihii digniinta ahaa oo aan la aqoon cidda soo qortay,lagana dheehan karo astaamaha dagaal abuurid,naceeb dhaxmara dadka walaa-laha ah.
2) Waxaan ugu baaqaynaa Bulshada reer Hiiraan inay midoobaan kana midoobaan xag dhaqaale iyo xag siyaasadeedba,si taa loohelo waa in Gola Guurtida reer Hiiraan shir dag-dag ah u qabtaan waxgaradka iyo siyaasiyeenta Gobolka,hal mooqifna isku raacaan oo ay si cad u shaaciyaan inay yeeshaan hal maamul oo wadajir ah oo ayaga go`aansadeen,uguna baaqaan caalamka in laga hortago xasuuqa iyo gumaadka waxgaradka reer Hiiraan ee qiimo wayn ugu fadhiyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed,gaar ahaan gobolka Hiiraan.
3) Waxaan dhmaan waxgaradka, saraakiisha, ganacsatada iyo Haweenka reer Hiiraan kula talin lahayn inay dib isu abaabulaan,sidee loo heli lahaa nabadgalya waarta,Jaaliyadaha dibadda ee reer Hiiraan waa inay u tafa xeeytaan sidii howlahaas loo hirgelin lahaa.
4) Ugu dambayntii waxaa Mahadnaq,bogaadin iyo Amaanba Mudan Jaaliyadaha reer Hiiraan iyo Soomaalida nabadda jecel ee ku kala nool aduunka dacaladiisa, gaar ahaan Yurub iyo Waqqoyiga Ameerika,ee u fidiyay dhaqaale walaalahood ku waxyeeloobay falkaas waxashnimada leh.
Mahadsanidiin
Baaqaan wxaa wadajir u soo saaray:
1) Afhayeenka Ururka Horumarinta Gobolada Dhexe Soomaaliya
Duuliye,Ahmed Osman Beyle (416) 821 9521 Toronto,Canada.
Email: [email protected]
2) Afhayeenka Ururka NORDIC Association network(NORWAY).
Mohodin Omar Abdi +4769510440 E-mail [email protected]