Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo ilaalo xoog leh ka haya Xarunta Maamulka G/Hiiraan iyo Saldhigga Baliiska Magaalada Beledweyne

Sabti, 4 Luulyo, 2009 (HOL) Ciidamo ku hubeysan noocyada gaadiidka dagaalka islamarkaana ku labisan dareys gaar ah ayaa bilaabay in ay ilaalo ka qabtaan Xarumaha Maamulka Goballka Hiiraan iyo Saldhigga Baliiska Magaalada Beleweyne oo ay markii hore gacanta ku hayeen Ciidamo ka tirsanaa Maamulkii Maxkamadaha oo hadda u muuqda mid bur buray.
 
Sidoo kale Ciidamada ayaa lagu arkayaa is-goosyada Magaalada iyo labada Buundo ee kala barta xaafadaha Magaaladu ka kooban tahay, waxaana ay si foojigan isha ugu hayaan dhaq dhaqaaqa gadiidka iyo dadka intaba, mana jiraan wax rasaas ah oo ay ku radayaan dadka sidii Ciidamadii ka horyay.
 
Lama oga ujeedada dhabta ah ee ka danbeeysa dhaq dhaqaaq militari oo ay Ciidamadu ka bilaabeen Magaalada Beledweyne, balse wararka qaar ayaa sheegayaan in uu jiro is badal ku yimid howlaha dhinaca militriga oo ay la wareegeen Saraakiil uu horkacayo Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax  oo dhawaan ka soo galay Magaalada Muqdhisho.
 
Marka laga soo tago ciidamada kooban ee ku sugan gudaha Magaalada waxaa xusid mudan in dhamaan ciidamada intooda kale leysugu geeyay xeryo ku taala deegaanka Ceel-gaal oo qiyaastii 12 km u jirta Magaalada Beledweyne, halkaa oo ay ku qaadanayaan tababar dhinaca Ciidamada ah.
 
Dhawaan ayeey aheyd markii Ciidamado ka tirsanaa Maamulkii Maxkamadaha ee Goballka Hiiraan ay ka goosteen Saldhiga Baliiska Magaalada Beledweyne iyaga oo sheegay in ay ku biireen Ururka Xisbul Islaam oo ka soo horjeeda nidaamka hadda ka jira Goballka Hiiraan ee hoos taga Dowladda Soomaaliya, waxaana Sarkaalka horkacaya Ciidamada u galay Xisbul Islaam oo lagu magacaabo Shiikh Ibaarhim Yuusuf uu horay u sheegay in uusan ku qancaseyn sida ay hadda wax u socdaan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]