Ururka Xizbul Islaam oo sheegay in ay Dagaal kaga hortagayaan Ciidamada Itoobiyanka ee yimid Qeybo ka mid ah G/Gedo

Sabti, July 04, 2009(HOL): Masuuliyiinta Ururka Xizbul Islaam ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay ka hortagayaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo gaaray saacadihii la soo dhaafay Qeybo kamid ah Degmooyinka Gobolka Gedo.

Maalmahaanba waxaa soo baxayay warar sheegaya in ay Ciidamada Itoobiya si toos ah u soo galeen qeybo ka mid ah Deegaannada ku dhow Xuduudaha ay wadaagaan labada Dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaasoo ay ka mid yihiin Gobollada Hiiraan, Bakool iyo Gedo.

Iyadoo wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Degmada Doolow ee gobolka Gedo ay tibaaxayaan in ay halkaasi ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo gaaray 48dii Saacadood ee laga soo dhaafay, waxaana wararku ay sheegayaan in ay Ciidamadaan ku soo wajahan yihiin qeybo kamid ah Gobollada Koonfureed ee Wadanka Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Ururka Xizbul islaam ee gobolka Gedo oo maanta Warbaahinta Wareysi siiyay ayaa sheegay in ay ka hortagayaan iskana difaacayaan Ciidamada Itoobiyaanka oo uu sheegay in ay yihiin Cadow Umadda Soomaaliyeed isla markaana ay doonayaan in ay qabsadaan Wadanka Soomaaliya.

Waxaana Hadalladani ay ku soo beegmayaan xilli ay sheegtay maalmihii la soo dhaafay Xukuumadda Itoobiya in aysan Ciidamadeeda u soo direyn Dalka Soomaaliya inkastoo wararku ay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya ay 3dii maalmood ee laga soo gudbay soo  gaarayaan Degmooyin ku yaal Xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto Itoobiya, waxaana tani ay caddeyneysaa in aysan waxba ka jirin Hadalladii ka soo baxay Madaxda sare ee Dowlada Itoobiya, maadaama ay Ciidamadeedu joogaan Gudaha Soomaaliya.

Hiiraan Online,
Kismaayo, Soomaaliya