Sabti, July 04, 2009(HOL): Wariye Maxamuud Yuusuf Niiniile oo ka mid ahaa wariyayaasha Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa ku geeriyooday dagaallada ka socda magaaada.
Wariyaha oo dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka Madiina ayaa dhaawac ka soo gaaray saableyda waxaa uu ugu geeriyooday gudaha Isbitaalkaas, waxaana haatan socota qaban qaabo ku saabsan sidii loo aasi lahaa.
Wariye C/qaadir Rabbaani oo ka mid ah Wariyayaasha Idaacadda Qur’aanka Kariimka ayaa sheegay in marxuumka oo soo dhameystay howshii shaqo ee uu maanta gelinkii hore Idaacadda ka lahaa ay xabad wiifto ah ku haleeshay nawaaxiga Isgoyska Afarta Jardiino, wuxuuna caddeeyay in ay xabadda kaga dhacday saableyda.
Waa wariyihii afaraad oo sanadkan kaliya ku geeriyooda rasaas ay is-weydaarsanayaan dhinacyada ku dagaallamaya Soomaaliya, waxaana horay rasaas ku dhacday ugu geeriyooday Wariye Xasan Mayow Xasan iyo C/risaaq Maxamed Gaadaco oo ka tirsanaa Wariyayaasha Idaacadda Shabelle iyo Wariye Nuur Inji oo ka tirsanaa Wariyayaasha Gobolka Hiiraan.
Dhanka kalena, Xaafado ka tirsan Degmooyinka Boondheere, Shibis, Kaaraan iyo C/Casiis oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda ayaa waxaa laga maqlayaa rasaas goos goos ah, inkastoo is-rasaaseynta u dhaxeysa aysan u xoog badneyd sidii ay ahayad seddex maalmood ee aynu ka soo gudubnay oo ay dhaceen dagaallo xooggan oo geystay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed isugu jira.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya