Sabti, July 04, 2009(HOL): Waxaa saaka degan xaaladda goobihii ay dagaallada ka dhacayeen maalmihii aynu ka soo gudubnay ee Magaalada Muqdisho, inkastoo deganaantaas ay tahay mid iskeed ku timid oo aan cago badan ku taagneyn.
Xaafado ka tirsan Degmooyinka Kaaraan, Shibis, C/Casiis iyo Boondheere ayaa seddexdii maalmood ee aynu ka soo gudubnay waxaa ka dhacayay dagaallo xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo ka soo horjeeda.
Dagaalladaas oo ahaa kuwo xooggan ayaa waxay geysteen dhimashada dad 50 ruux ka badan iyo dhaawaca dad kale oo ku dhow 200 oo ruux, kuwaasi oo u badan dad rayid ah oo aan dagaalka wax lug ah ku lahayn.
Dagaalladan oo aan la ogeyn goorta ay soo af-jarmi doonaan ayaa waxaa sidoo kale ku barakacay dad ku dhow 200,000 oo ruux, kuwaasi oo qaarkood ay naftooda ula baxsadeen Xaafado aaney dagaalladu gaarin oo Muqdisho dhexdeeda ah, kuwo duleedyada Muqdisho ah iyo weliba dalalka Soomaaliya la deriska ah.
Wixii ku soo kordha Xaaladda Magaalada Muqdisho kala soco halkan haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya