Sabti, July 04, 2009(HOL): Midowga Afrika ayaa ka fiirsanaya inuu waajibaadka u bedelo Ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo hadda ay howshooda ku kooban tahay nabad ilaalin iyo in ay is-difaacaan.
Waxaa la filayaa in waajibaadka Ciidamada Amisom la gaarsiiyo in ay nabad-dhaliyayaal noqdaan, isla markaana ay ka baxaan xerooyinka ay ku jiraan ayna ka dhinac dagaallamaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira xoogagga ka soo horjeeda.
Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan ayaa hadda waxay tiradooda gaareysaa 4,300 oo askari, waxaana ugu deeqay Dowladda Soomaaliya kaliya Dowladaha Burundi iyo Uganda, halka dowlado kale oo ciidamo laga filayay aysan weli keenin.
Ramtane Lamamra oo ka tirsan Golaha Ammaanka iyo nabadgelyada Midowga Afrika ayaa sheegay in dib loo eegayo waajibaadka Ciidamada Amisom, wuxuuna sheegay in arrinta waajibaad u bedelidda Cidamada Amisom ay tahay mid ay si weyn u daneynayaan dalalka Midowga Afrika.
Qorshahan ku saabsan in waajibaadka loo bedelo Ciidamada Amisom ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Dowladda Soomaaliya ay dagaallo kala soo horjeedaan xoogag hubeysan oo doonaya in ay xukunka ka tuuraan, kuwaasi oo ay Dowladda Soomaaliya sheegto in ay adeegsanayaan dagaalyahanno shisheeye ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya