Banaanbaxyo looga soo horjeedo dhibaatada ay Israa'iil ku heyso Dad Reer Falastiin oo maanta ka dhacay Magaalada Nairobi

Cabirka Farta


Jimco, January 09, 2009(HOL): Masjida Jaamiya Mosco ee magalada Nairobi oo ay Salaaddii Jimcaha ku tukadeen Dadweyne aad u faro badan oo ay ka mid ahaayeen Culumaa'udiin si weyn looga yaqaano kenya oo uu ka mid yahay sheekh maxamed umul ayaa wuxuu ka mid yahay Masjidyo maanta Qudbadii Jimcaha lagu soo qaatay dhibaatooyinka ay Ciidamada Israa'iil maalintii 14aad ku hayaan Dadka Reer Falastiin.
 
dhana kale xaafada soomalida ee islii ayaa Salaaddii Jimcaha kadib waxaa isugu soo baxay dad aad u faro badan, kuwaasi oo iyana muujinayay sida ay uga xun yihiin dhibaatada lagu hayo Dadka Reer Falastiin, gaar ahaan kuwooda ku sugan Daanta Galbeed ee Gaza.

Banaanbaxan oo ay shalay ku baaqeen golaha sare ee culumaa'udiinka reer kenya ayaa waxaa saaka soo xaadiray jidaadka sogalo carunta ganacsiga ee town oo ku yaala bartamaha magaalada nairobi halkaasoo ay isugu soo baxeen dhamaamba qowmiyadaha kala duwan ee ku dhaqan dalkan kenya gaar ahaan nairobi..

Dadweynahan oo aad u qiireysnaa qaarkoodna ay ilmeynayeen ayaa waxa ay wateen Boorar fara badan oo ay ku qorneyd hal ku dhigyo ka dhan ah Burburinta Yuhuuda iyo gabood falada ay ku hayaan mudada ka badan 40-ka sano shacabka reer Falastiin ee Islaamka ah.

Ugu dambeyntiina dadweyne careysan ayaa fagaarahaasi ku gubay calanka Yuhuuda iyagoo ku xoomayay mar kasta oo calankaasi dabka la qabadsiiyo kuna joog joogsanayay, waxayna lacnadayeen Yuhuuda iyo wixii la hal maala, iyadoo si gaar ahna ay calamada maanta u gubayeen qowmiyadda kaladuwan ee ku dhaqan nairobi oo ay ka muuqaneysay shucuur aad u kacsan...

Dhinaca kale, dadweynahan ayaa markii dambe socod ku soo maray qaar ka mid ah waddooyinka waaweyn ee nairobi iyagoo ku dhawaaqayay erayo ay ka mid yihiin Israa'iil ha dhacdo, Falastiin ha xorowdo, Bush iyo Olmert ha dhacaan.




Cabdiraxmaan Diiriye Nuur
[email protected]
Nairobi Kenya