Jimco, January 09, 2009(HOL): Gaadiid tiro badan oo Ural ah iyo dhowr Kaare-xambaarro oo ay saaran yihiin kaliya Darawallo ayaa saaka waxay ka gudbeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo u sii jeeday dhinaca Magaalada Muqdisho.
Gaadiidkan ayaa lagu sheegay in ay Muqdisho ugu socdaan in ay soo qaadaan Ciidamo ka jooga Magaalada Muqdisho, iyadoo gelitaankooda magaalada Muqdisho-na uu ku soo beegmayo iyadoo maalmahan si weyn loo hadal hayo in ay Ciidamada Itoobiya ka baxayaan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Dhaqdhaqaaqan u muuqda bixitaanka ee ay bilaabeen Ciidamada Itoobiyaanka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay Janaraal u hadlay Ciidamada Itoobiya oo u taliya Ciidamada ku sugan Wasaaraddii gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho uu sheegay in ay Ciidamadooda ka baxayaan Soomaaliya, kaliya waxa u harayna ay yihiin amar la soo siiyo.
Janaraalkan oo lagu magacaabo Automatic ayaa sheegay in bixitaankooda uu qeyb ka yahay fulinta heshiiskii Jibouti ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, wuxuuna ku af-gobaadsaday in ay mar kasta garab-taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kalena dhaqdhaqaaqan ay wadaan Ciidamada Itoobiyaanka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Madaxa Guddiyada Ammaanka Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Col. Xuseen Siyaad Qoor-gaab uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan ay ku jiraan diyaar-garowgii ugu dambeeyay oo ay uga baxaan Magaalada Muqdisho, wuxuuna ka digay marka ay baxaan Ciidamada Itoobiya in la qabsado fariisimada ay baneeyaan Ciidamada Itoobiyaanka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia