
Jimco, 9, January, 2009 (HOL) Kadib Salaaddii Jimcaha ee maanta waxaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Goballka Hiiraan ka dhacay dibadbax aad u ballaaran oo lagoo soo horjeedo weerarrada aan kala go'a laheyn ee Dowladda Israa'iil ku heyso dadka reer Falastiin.
Dibadbaxayaasha oo ay horkaceey qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta sar sare ee Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan ayaa socd dheer kadib waxaa ay isugu soo urureen fagaaraha Xarunta Xafiiska Maamulka Goballka halkaasi oo ay erayo ka dhan ah Dowladda Israa'iil ka soo jeediyeen Mas'uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Midowga Maxkamadaha.
![]() |
| Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka G/Hiiraan |
Shiikh C/raxmaan waxaa uu intaas raaciyay in ay wax lala yaabo tahay in Dowaladda Israa'iil iyo Dowladaha la jaarka ah ku heshiiyaan in 12-kii Saacba in 3-saacadood oo ka mid ah la joojiyo dagaalka si dadka shabacka ah loo gaarsiiyo gargaarka, halka leysku af-gartay in 9- ka Saac ee soo haray dadka reer Falastiin laga duqeeyo Cirka, Dhulka, iyo Badda, waana tan muujineysa ayuu yiri Cadaawadda gaamurtay ee Yahuudu u qabto dadka Islaamka ah meel kasta oo ay joogaan.
Dhammaan Saraakiishii ka hadashay dibadbaxa ka dhacay Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay farta ku fiiqeen in xaalku cakiran yahay, loona baahan in dadka Muslimka ah la yimaadaan niyad dhab ah oo ay ku taageerayaan dadka sida micno darrada ah loo leynayo.
Dadka ka qeyb qaadanayay Bannaanbaxa ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Dowaladaha Israa'iil iyo Mareykanka iyagoo dhinaca kalena u duceynayay Dowladda Falastiin. waxaa xusid mudan in maalmo ka hor dibadbax kan la mid ah lagu qabtay Degmadda Buula-burte kaasi oo ay ka soo qeyb-galeen inta badan dadka ku dhaqan Degmadaas.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
