Banaanbaxyo looga soo horjeedo dhibaatada ay Israa’iil ku heyso Dad Reer Falastiin oo maanta ka dhacay Degmooyin ka tirsan Dalka Soomaaliya

Cabirka Farta

Jimco, January 09, 2009(HOL): Banaanbaxyadan oo ka dhacay Magaalooyin ka tirsan Dalka Soomaaliya oo aan ka xusi karno Magaalada Muqdisho, Jowhar iyo Beledweyne ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u faro badan, kuwaasi oo ka xun dhibaatada  ay Israa’iil ku heyso Dadka Reer Falastiin.

Magaalada Muqdisho haddii aanu soo qaadanno waxay banaanbaxyada ka dhaceen Degmooyinka Hodan, Wadajir, Howl-Wadaag  iyo Yaaqshiid, waxayna banaanbaxyadan dhaceen kadib markii laga soo baxay Salaaddii Jimcaha.

Masjidka Shiikh Cali Suufi ee Degmada Hodan oo ay Salaaddii Jimcaha ku tukadeen Dadweyne aad u faro badan oo ay ka mid ahaayeen Culumaa’udiin si weyn looga yaqaano Soomaaliya oo uu ka mid yahay Shiikh Nuur Baaruud Gurxan ayaa wuxuu ka mid yahay Masjidyo maanta Qudbadii Jimcaha lagu soo qaatay dhibaatooyinka ay Ciidamada Israa’iil maalintii 14aad ku hayaan Dadka Reer Falastiin.

Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa Salaaddii Jimcaha kadib waxaa isugu soo baxay dad aad u faro badan, kuwaasi oo iyana muujinayay sida ay uga xun yihiin dhibaatada lagu hayo Dadka Reer Falastiin, gaar ahaan kuwooda ku sugan Daanta Galbeed ee Gaza.

Degmooyinka Jowhar iyo Beledweyne ee Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa iyana waxaa ka dhacay Banaanbaxyo looga soo horjeeday dhibaatada ay Israa’iil ku heyso Dadka Falastiin, waxayna dadka banaanbaxayay ay ugu duceynayeen Dadka Falastiin uu Allaah Dhibaatada ka dul-qaado, cadawgoodana uu ka sare-mariyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia