Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo talooyin u jeediyay Madaxweynaha cusub ee Puntland

Cabirka Farta

Jimco, January 09, 2009(HOL): Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu talooyin u jeediyay madaxweynaha cusub ee loo doortay maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay hadal u jeediyay mudanayaasha Baarlamaanka Puntland  kadib markii ay Madaxweynaha doorteen ayaa wuxuu sheegay in uu mdaxweynaha cusub kula talinayo in uu ka shaqeeyo ammaanka iyo siyaasadda Puntland.

“C/raxmaanow haddii aadan isku heynin siyaasadda iyo ammaaka 7da gobol ee Puntland, ogow adigana madaxweyne ma sii ahaan doontid oo waa lagaa hor-imaan doonaa”ayuu yiri C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in hadda baahida ugu badan ee Puntland ka jirta ay tahay sugidda nabadgelyada.

C/llaahi Yuusuf waxaa kale oo uu kula taliyay madaxweynaha cusub ee Puntlnad in uu Puntland ka dhigo meel ammaan ah oo lagu gam’i karo, “dalka intiisa kale waad aragtaa in aanu xasilooneyn, marka waxaa lagaa sugayaa in aad Puntland ka dhigtid meel nabdoon”ayuuna hadalkiisa ku sii haray C/llaahi Yuusuf Axmed.

Talo kale oo uu C/llaahi Yuusuf siiyay madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa waxay ahayd in uu maamulkiisa ku soo daro raggii madaxweynenimada kula tartamay, “dadka kula tartamay waxaa laga yaabaa in aysan wada samirsaneyne, waxaa lagaa doonayaa in aad maamulka ku soo darto haddii kale waxaa dhici karta inay lugta ku jiidaan oo aad shaqadaada gudan weydo”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

Ugu dambeyntiina, wuxuu madaxweynihii hore ee Soomaaliya ku dhaliilay Isimida Puntland in ay aad u yareeyeen xubnaha ku jira Baarlamaanka, “Aniga markii aan Madaxweynaha ka ahaa Puntland Baarlamaanka waxaa ku jiray shan haween ah, hadana waa labo kaliya, marka meeshaas waxaa ka muuqata in kaalinkii haweenka uu maqan yahay, waxaan leeyahay haweenka waa hooyo iyo waalaale baarlamaanka inta la furo ha lagu soo daro haween kale”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia