Shir looga hadlayo Aayaha Gobolka Hiiraan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta


Jimco, January 09, 2009(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa shalay lagu qabtay shir looga hadlayay aayaha Gobolka Hiiraan, kaasi oo indhawaalaba ay xaaladdiisa ahayd mid aan fadhin oo marba heer taagneyd.

Shirkan oo uu gogoshiisa fidiyay Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur ayaa waxaa ka qeybgalay Odayaal, Waxgarad, Culumaa’udiin, Siyaasiyiin, Sarakiil Ciidan, Haween iyo Dhalinyaro ka socday mid ka mid ah Beelaha dega Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo tiradooda ay ka badneyd 100 ruux.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur
Shirkaas waxaa xusid mudneyd in ay isugu yimaadeen mucaaradka iyo muxaafidka beeshaas, kuwaasi oo dhamaantood soo dhaweeyay sida loogu baahan yahay in la samatabixiyo Gobolka Hiiraan oo ka mid ah Gobollada ugu muhiimsan Soomaaliya.

Intii ka hadashay shirka waxaa ay isla qireen in ay lagama maarmaan tahay in maamul ay dadka soo doorteen oo raali laga wada yahay loo sameeyo Gobolka, si ay dadka Gobolka ku dhaqan uga baxaan is-barbar yaaca faraha badan ee gobolka jira, kaasi oo salka ku haya kooxo kala duwan oo marba gacan ku heynta gobolka la wareegayay.

Dadkii meesha ka hadlay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur, Suldaan Maxamuud Dhaqane Nuur, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jen. C/llaahi Macallin Cali, Nabaddoon C/raxmaan Colow Axmed, dhamaantoodna waxay isku raaceen in loo baahan yahay in Gobolka Hiiraan loo helo maamul soo celiya nabaddii iyo adeegyadii bulshada ee ay dadku horay u heysteen.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur oo shirka ka hadlay, isla makraana taabtay meelo muhiim ahoo loo baahnaa in laga hadlo ayaa wuxuu sheegay in ay wax laga xumaado tahay in gobolka Hiiraan oo ay ka soo jeedaan Dad Taariikhda Soomaaliya si weyn loogu xuso uu hadana gobolku noqdo meel aaney cidna uma maqneyn, ceelna u qodneyn, wuxuuna intaas ku daray in loo baahan yahay in haatan wixii ka dambeeya ay dadka Reer Hiiraan aayahooda ka tashadaan, maamulna ay u sameystaan.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in dhibaatooyinka gobolka ka jira uu la wadaago dalka Soomaaliya intiisa kale, hayeeshee looga baahan yahay dadka gobolka u dhashay in ay u istaagaan gobolkooda, isagoo hoosta ka xariiqay in uu fidin doono gogosha kulamo kale oo uu la yeelanayo Beelaha kale ee Gobolka ku dhaqan, kuwaasi oo uu iyana xusay in uu kala hadli doono sidii loo samata-bixin lahaa Gobolka Hiiraan.








Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia