Talaado, January 06, 2009(HOL): Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegeen in Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu ku xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo.
Xildhibaan Yuusuf Maxamed Kheyr Guurow oo u hadlay Xildhibaannadan oo ku shiray Guriga uu Baydhabo ka degan yahay Xildhibaan Xasan Maxamed Nuur Shaati-gaduud ayaa wuxuu sheegay in Maxamed Dheere uu si sharci darro ah ugu xiran yahay Ciidamo Itoobiyaan ah oo amar ka heysta sida uu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
“Maxamed Dheere nin ayuu u xiran yahay, waana Nuur Cadde oo Ra’iisal Wasaarenimadiisa ay waqti hore dhacday, waxaana aaminsannahay in Maxamed Dheere uu si sharci darro ah ku xiran yahay”ayuu yiri Xildhibaan Guurow.
Xildhibaanka waxaa uu sheegay in haddii uu sharci jiro oo la ixtiraamayo uu dhigayo in qofka haddii uu dembi galo sharci la hor-geeyo kadibna maxkamad la soo saaro, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan taasi dhicin oo la iska xirtay.
Xildhibaannadan ayaa waxay ka codsadeen Beesha Caalamka in ay soo farogeliso xarigga lagu heysto guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, isla markaana ay qaab sharci ah u eegto waxyaabaha lagu heysto Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.
Ugu dambeyntiina, Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa dhawaan ka kaxeystay Maxamed Dheere guri ku yaala Degmada Hodan, kaasi oo uu tegay kadib markii ay Ciidamadaas ka waayeen guri uu ka deganaa Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia