Talaado, January 06, 2009(HOL): Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo lagu yaqaanay fidinta Diinta Islaamka ayaa haatan waxay noqotay mid ay sheegtaan hoggaamiye kooxeedyo ka talin jiray gobollo dhowr ah oo ku yaala dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka itaal-roonaadeen Xoogagga Muqaawamada ee ka dagaallama Soomaaliya.
Meeshii ugu horeysay oo laga maqlay in ay xoogag u daacad ah Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ku sugan yihiin waxay ahayd Gobolka Galgaduud, gaar ahaan Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa-mareeb oo ay ka dhaceen dagaallo dhexmaray Al-Shabaab iyo xoogag sheegtay in ay ka tirsan yihiin Ahlu Sunna Wal-jamaaca.
Waxaa ku soo xigay Gobolka Gedo oo laga maqlay in maleeshiyooyin Soomaali ah oo la wareegay gacan-ku-heynta Degmooyinka gobolkaas ay sheegeen in ay ka tirsan Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.
Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade oo wax laga weydiiyay dagaal shalay ka dhacay Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Bay waxaa uu sheegay in ay is-raacsan yihiin maleeshiyooyin sheegtay in ay ka tirsan yihiin Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo dagaalkaas qeyb ka ahaa.
Xalay oo ugu dambeysayna waxaa sheegtay in ay Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ka tirsan yihiin Duqii hore ee Degmada Beledweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) oo sheegay in uu ku biiray Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, uuna ka qeybqaadan doono dhaq-dhaqaaqyada ay ka waddo dalka Soomaaliya.
Haddaba sheegashada Hoggaamiye kooxeedyada ee ah in ay ka tirsan yihiin Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo dhawaanahan ay xoogag Islaamiyiin ah burburinayeen qabriyo sanado hore lagu aasay Culumaa’udiin ka tirsanaa Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, sidaas darteed ayaana loo maleynayaan in ay hoggaamiyayaashan uga faa’iideystaan colaadda u dhaxeysa Ahlu Sunna iyo Xoogagga ay iska soo horjeedaan, bacdamaa xoogagga Islaamiyiinta ay horay xididada ugu siibeen Hoggaamiye kooxeedyadan sheeganaya in ay ka tirsan yihiin Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.
Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegay in dagaalladii ka dhacay Galgaduud ay u dhaxeeyeen Xoogagga Al-Shabaab iyo Maleeshiyooyin ay soo hubeysay Itoobiya oo ku fashilantay faragelintii ay Soomaaliya ku sameysay labo sano ka hor, wuxuuna caddeeyay in aanu jirin dagaal kala dhaxeeya Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia