Talaado, January 06, 2009(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mesfen oo Wakaaladda Wararka Dalkiisa la hadlayay kadib wada hadallo uu la qaatay Sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe iyo Ra’iisal Wasaarah Soomaaliya Nuur Cadde ayaa wuxuu beesha caalamka ku eedeeyay in ay ku guuldareysatay in ay caawiso Soomaaliya.
Seyoum Mosfen waxaa uu sheegay in aaney guud ahaan Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay aysan wax dareen ah siinin wax ka qabashada dhibaatada Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay taasi keentay in ay sii fogaato dhibaatada Soomaaliya.
Waxaa uu ka hadlay awoodda ay la soo baxeen Xoogagga Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in ay taasi keentay dowladda Federaalka Soomaaliya oo aan gudan howsheeda sidii laga rabay, isla markaana ay madaxdeeda ku mashquuleen khilaafaadyo dhexdooda ah.
Waxaa uu sheegay in Dowladdiisa ay diyaar u tahay in la soo celiyo nabaddii iyo xasiloonidii Soomaaliya, wuxuuna xaqiijiyay in mar kasta oo arrimahaas looga baahdo ay diyaar u yihiin.
Hadalka uu sii daayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dowladda Itoobiya ay shaacisay in ay Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya kadib labo sanadood oo ay ku jirtay, isla markaana ay kula dagaallameysay xoogag Islaamiyiin Soomaali ah oo ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia