Talaado, January 06, 2009(HOL):Madaxwaynaha DGPL Maxamuud Muuse xirsi General Cade ayaa la sheegay in uu iska casilayo xilka uu ka hayo DGPL,iyadoo maalmo ka dib loo balan sanahay in ay dhacdo doorashadii madaxtinimo ee Puntland.
Warkaan ayaa soo shaac baxay maalin ka dib markii Qaar ka mid ah xildhibaanada barlamanka Puntland ay sheegeen in aysan wax cod ah ugu shubi doonin madaxwaynaha hadda talada haya ee Cadde Muuse.
Madaxwayne Cadde ayaa sida uu u dhashay sanadkan cusub kulamo kala duwan la qaadanayay odayaasha qaar ee magaalada Garowe isagoo kala tashanaya in uu ka tanuusulo musharaxnimadiisa doorashada Puntland, balse wali ma uusan ku dhawaaqin in uu tanasulayo.
Qaar ka mid ah xildhibaannada Barlamaanka Puntland oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hordhacaan warkaasi ,waxaana Madaxweyne Cadde uu hadda ka hor sheegay in uu yahay Musharax u taagan doorashada Puntland.
Ilaa iyo hadda lama Ogaan karo xiliga uu arintaasi ku dhawaaqayo madaxwaynaha, inkastoo arintaan laga hadal hayo guud ahaan Puntland, waxaana arimahan ay ku soo aadayaan ,iyadoo amniga magaalada Garowe si aad ah loo aadkeeyay madaaama maalinta khamiista ah madaxweyne cusub la dooranayo.
Maamulka Puntland ee uu hoggaamiye madaxwayne Cadde ayaa wax ka qabtay arrimo badan oo dhanka mashaariicda ah, iyadoo ay bar bar socdeen ammaan xumo badda iyo berriga ah ,taasi oo saamayn ku yeelatay bulshada Puntland.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia