Afhayeenka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo sheegay in aanu jirin Dagaal ay ku jiraan oo ka socda Dalka Soomaaliya

Cabirka Farta

Talaado, January 06, 2009(HOL): Afhayeenka Dariiqa Ahlu Sunna Wal-Jamaaca Shiikh C/qaadir Shiikh Maxamed Soomow ayaa sheegay in aaney jirin dagaallo ay qeyb ka yihiin ka socda dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dad aan ka tirsaneyn dariiqadooda oo dano gaar ah leh ay horay u sheegteen in ay Ahlu Sunna ka tirsan yihiin.

“Horay waan u sheegnay, haddana waan ku celineynaa ma jiraan wax dagaal ah oo ay Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ku jirto. Annaga dad dagaal ma ahin waxaana nalagu yaqaanaa in aan ku samirno wax kasta oo nagu dhaca”ayuu yiri Shiikh Soomow.

Afhayeenka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca Shiikh C/qaadir Soomow waxaa uu sheegay in ay ku baaqayaan in la joojiyo dagaallada ka socda dalka Soomaaliya, isla markaana waxyaabaha la isku hayo laga wada hadlo.

“Waxaan maqalnay in ay gobollo ka mid ah dalka Soomaaliya ku dagaallamayaan Xoogag Muqaawamo ah iyo Maleeshiyooyin ay wataan Hoggaamiye kooxeedyo ay ka adkaadeen muqaawamada, marka waxaan leenahay dagaalkaas waxaan u aragnaa in uu yahay mid aan loo baahneyn, waxaana ku baaqeynaa in la joojiyo”ayuu yiri Shiikh Soomow oo sheegay in aysan qabin in hoggaamiye kooxeedyadii ay Muqaawamada dalka ka saareen ay xaq u leeyihiin in ay dalka ku soo noqdaan balse ay iyaguna ka reeban tahay in ay Ciidamo Itoobiyaan ah soo kaxeystaan.

Shiikh C/qaadir Soomow ayaa ku dhaliilay Ciidamada Muqdisho inay sameynayaan Afhayeenno cusub oo sheeganaya in ay u hadlayaan Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, wuxuuna caddeeyay in ay Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ay leedahay nidaam iyo hoggaan kala sareeya oo ay ku jiraan culumaa’udiin si weyn looga yaqaano Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Shiikh Soomow in ay taageersan yihiin Heshiiskii Jibouti oo ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in xabadda la joojiyo, kadibna laga wada hadlo xal u helidda mushkiladda Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay cid kasta oo wax dooneysa ay ugu baaqayaan in ay heshiiskaas taageerto.

Ugu dambeyntiina, Hadalkan uu sii daayay Afhayeenka Al-Shabaab ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmahan ay soo baxayeen sheegashooyin ku imaanayay hoggaamiye kooxeedyo ay horay uga itaal roonaadeen Xoogagga Muqaawamada, kuwaasi oo sheegayay in ay ku biireen Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia