Talaado, January 06, 2009(HOL): Kooxo hubeysan ayaa waxay maanta dil toogasho ah u geysteen sarkaal u shaqeynayay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP, kaasi oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Xuseen Ducaale.
Sarkaalka oo markii la dilayay ku mashquulsanaa howlo uu Hay’adda WFP ugu xil-saarnaa ayaa waxaa lagu dilay meel u dhaxeysa Tuulo Barwaaqo iyo Degmada Garbahaarrey ee Gobolka Gedo, iyadoo kooxihii dilkiisa geystayna ay baxsadeen.
Cabdi Maxamed Nuur Shareeco oo ka mid ah Waxgaradka Degmada Garbahaarrey ayaa Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho u sheegay in ay aad uga naxeen dilka marxuumka, wuxuuna sheegay in marxuumka uu howlo gargaar bani’aadannimo ah ka waday Gobolka Gedo.
Lama garanyo ilaa iyo haatan sababtii loo dilay sarkaalkan u shaqeynayay Hay’adda WFP, wuxuuna dilkiisa qeyb ka yahay dilal dhowr ah oo horay loogu geystay saraakiil u shaqeynayay hay’addaas oo lagu dilay Gobollo kala duwan oo dalka Soomaaliya ku yaalla.
Ugu dambeyntiina, Dilka Sarkaalkan u shaqeynayay WFP ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay degmooyinka Gobolka Gedo la wareegayeen Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Maleeshiyooyin Soomaali ah oo la socday, kuwaasi oo saaka oo ugu dambeysay la wareegay gacan ku heynta Degmada Baardheere ee xarunta u ah Gobolka Gedo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia