Laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Somaliland oo lagu dilay Gobolka Sool

Sabti, January 03, 2009(HOL):  Laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Somaliland ayaa maanta lagu dilay Magaalada Widhwidh ee gobolka Sool, halkaas oo ay u joogeen arrimo Ammaanka la xidhiidha.

Sida uu xaqiijiyay Wasiirka Difaaca Somaliland, Labada Sarkaal ayaa geeriyooday ka dib markii ay toogasho ku dileen dad aan la aqoonsan, iyada oo aan wali siday Wararku sheegayaan gacanta lagu dhigin dadkii Dilka geystay. Dilka Ciidamadan ayaa ku soo beegmay waqti ay Gobolka Sool oo ah gobolkii lixaad ee ay ka bilaabanto Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka Somaliland, si habsami ah Diiwaangelintu uga socoto 160-goobood, Kuwaas oo siday sheegeen Masuuliyiinta Komishanka Doorashooyinka Somaliland marka laga yimaado cilado yar-yar oo farsamo, ay si toos ah uga wada-bilaabantay Diiwaangelintu.

Gobolka Sool, gaar ahaan Magaalada Laascaanood oo hore ay gacanta ugu hayeen Maamulka Puntland, ayaa gacanta Somaliland soo gashay bishii October ee sanadkii 2007, ka dib markii ay Dagaal isaga hor yimaadeen Ciidamada Somaliland iyo kuwa Maamul-gobolleedka Puntland.

Barkhad M. Kaariye,  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland