Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo dadka Gaalkacyo ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan cid kasta oo Nabadda Soomaaliya ka shaqeyneysa

Sabti, January 03, 2009(HOL): Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay ku laabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa mar uu la hadlayay dadka degmadaas ku dhaqan waxaa uu ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan cid kasta oo ay u arkaan in ay nabadda Soomaaliya ka shaqeyneyso.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf ayaa wuxuu sheegay in uu Magaalada Gaalkacyo u tegay sidii uu kulamo wada-tashi ah ula yeelan lahaa Odayaasha, Waxgaradka iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland ee Gobolka Mudug, kuwaasi oo uu xusay in ay muddo dheer kala maqnaayeen.

Waxaa uu sheegay Mr. Yuusuf in xilkii uu ka hayay dowladda Federaalka Soomaaliya uu iska caislay iyadoo aaney cidna qasbin, wuxuuna carrbka ku dhuftay in uu go’aansaday in uu Oday-Soomaaliyeed ahaan uu uga shaqeeyo sidii sharaftii iyo qarannimadii Soomaaliya loo soo celin lahaa.

C/llaahi Yuusuf Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu iska casilay xilkii madaxweynenimada Soomaaliya waxaa uu jeediyay hadallo talooyin u badan, kuwaasi oo uu u jeediyay Dadka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Puntland oo haatan ku jira doorashada madaxweyne uu yeesho maamul goboleedka Puntland.

Ugu dambeyntiina, waxaa Madaxweyne Yuusuf ku soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo Xildhibaano dhowr iyo labataan Mudane gaaraya oo maalin ka hor is-casilaaddii madaxweynaha Baydhabo isaga soo tegay, mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Mudug iyo weliba Dadweyne aad u faro badan, kuwaasi oo u xiiso qabay in ay arkaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia