Baarlamanka cusub ee Puntland oo doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenno

Sabti, January 03, 2009(HOL): Xildhibaannada Barlamanka DGPL ayaa maanta doortay guddoomiye cusub, kaasi oo guddoomiye u noqonaya Baarlamanka cusub ee shanta sano ee soo socoto sharciga u dejin doona Puntland, iyadoo ay xilkaasi kula tartameen qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamanka.
 
Waxaa Guddoomiyaha Baarlamanka loo doortay C/rishiid Maxamed Xirsi oo horay uga mid ahaa 66ka Xildhibaan ee uu ka kooban yahay Baarlamanka kadib markii uu helay 65 cod oo ka mid ah codadka xildhibaannada.
 
Guddoomiyaha cusub ee Barlamanka Puntland ayaa ka soo jeeda gobolka Mudug, waxaana doorashadiisa ay meesha ka saaraysaa nidaamkii hore ee awood -qeybsiga, waxaana haatan muuqata in  qof walba uu xaq u leeyahay in loo doorto guddoomiyaha Cusub.
 
Intaasi kadib waxaa si gacan-taag ah loogu codeeyay cida noqonaysa guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka Puntland, waxaana ku guulaystay Salaad Xareed oo helay 47 cod, iyadoo uu la tar tamayay Xildhibaan Cabdi Xamiid C/salaan.
 
Sidoo kale waxaa isna madashaasi loogu codeeyay Xildhibaan Xuseen Xaaji Yuusuf oo isna loo doortay Guddoomiye ku xigeen, waxayna doorashadaasi u dhacday si nabad galyo ah oo aan buuq lahayn.
 
Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa iminka la ciir-ciiraysa dadweyne aad u faro badan kuwaasi oo ka kala yimid dunida dacalladeeda si ay goob joog uga noqdaaan doorashada Puntland iyo cidda badelaysa madaxwaynaha hadda talada haya ee Jen Cadde Muuse.
 
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia