Sabti, January 03, 2009(HOL): Waxaa magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya ku sugan sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) iyo Ra’iisalWasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Labada mas’uul oo ka kala tegay magaalooyinka Khartoum iyo Nairobi ayaa waxay magaalada Addis Ababa kulamo kula leeyihiin madaxda Dowladda Itoobiya iyo kuwa Midowga Afrika, iyagoo kala hadlaya xaaladda uu haatan ku sugan yahay dalka Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Itoobiya Danjire Saciid Yuusuf Nuur ayaa laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in labada mas’uul ay Addis Ababa u tageen la kulanka madaxda Itoobiya, kuwo Midowga Afrika iyo weliba kuwo ka socda IGAD, isagoo xusay in dhawaan uu ka dhacayo Magaalada Addis Ababa Shir ay isugu imaanayaan madax ka socota Urur Goboleedka IGAD.
Danjiraha waxaa uu sheegay in ay madaxda Soomaaliyeed kala hadlayaan dhinacyada ay la kulmayaan Xaaladda Dalka Soomaaliya, gaar ahaan is-bedelka ku yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay kulamadaas ka soo bixi doonaan natiijooyin wanaagsan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, socdaalka ay labada mas’uul ee haatan ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku tageen Dalka Itoobiya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo la filayo in Baarlamaanka Soomaaliya uu dhawaan doorto Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii uu is-casilay madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia