Degmada Guriceel oo xalay bandow ku jirtay

Sabti, January 03, 2009(HOL): Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ku jirtay bandow ay ku soo rogeen xoogag ka amar qaata Dariiqada Ahlu Sunna Wal-jamaaca, kuwaasi oo dhawaanahan gacanta ku hayay degmadaas.

Bandowga oo bilaabanayay 9-kii habeennimo ee xalay ayaa intii uusan bilaaban waxaa dadka ku dhaqan gudaha degmada loogu sheegayay cod baahiyayaal ay wateen dad gaadiid ku dhex wareegayay degmada in aysan guryahooda ka soo bixin wixii ka bilowda 9-ka habeennimo.

Saraakiisha hoggaamineysa Xoogagga gacanta ku haya Degmada Guriceel ayaa waxay sheegeen in ay bandowga uga gol leeyihiin in ay ku xaqiijiyaan ammaanka degmada, isla markaana ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada dadka.

Degmada Guriceel ayaa labo jeer oo waqtiyo isu dhow ahaa waxaa ka dhacay dagaallo xooggan oo dhimasho iyo dhaawac geystay, kuwaasi oo dhexmaray xoogag kala taabacsan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, iyadoo ilaa iyo haatanna aan la ogeyn wixii dhaliyay dagaalladaas.

Dhanka kalena, Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhawaanahan ku sugnaa deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa in ay gobolka isaga baxeen, iyagoo u dhaqaaqay dhinaca dhulka Is-maamulka Soomaalida Itoobiya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia