Sabti, January 03, 2009(HOL): Wararka laga helayo Goballka Gal-gaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamadii Itoobiya ee todobaadyadii aynu soo dhaafnay ku sugnaa qeybo ka mid ah Goballka Gal-gaduud ay u dhaqaaqeen dhinaca Xadka uu Goballku la wadaago dalka Itoobiya.
Ciidamada oo ku hubeysnaa Gaadiidka Dagaalka ayaa la arkayay iyagoo ka sii gudbaya Degmada Balan-balle, waxaana wararku intaas ay raacinayaan in Ciidamadu intii ay jidka ku sii jireen dileen Nin hubeysan oo loo maleynayo in uu ka tirsanaa Xoolo-dhaqatada Goballka.
Ciidamada Itoobiya ee la soo warinayo in ay isaga tageen Goballka Gal-gaduud ayaa todobaadyadii ina dhaafay waxaa ay saameyn muuqta ku lahaayeen dagaallo is xig-xigay oo ka dhacay Degmooyinka Guri-ceel iyo Dhuusa-mareeb, gaar ahaan waxaa ay ciidamadiisa gacan siinayeen garab ka mid ah dhinacyada Colaaddu ka dhaxeyso kuwaas oo ay u suurta gashay in ay gacanta ku dhigaan Degmada Guri-ceel.
Qaar ka mid ah dadka Goballka ku dhaqan ayaa ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya waxaa ku fasirayaan mid qeyb ka ah qorshaha ay wado Dowladda Itoobiya ee dhamaan Ciidamadeeda lagaga saaro goobaha ay ka joogaan dalka Soomaaliya.
Dhinaca Goballka Hiiraan waxaa wali halkoodii fariisin ku leh Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee todobaadkii ina dhaafay soo galay deegaanka Kala-beyr, lamana oga goorta ay dhinacooda ka bixi doonaa gudaha Goballka.
Inkastoo Rajada laga qabo in Ciidamada Itoobiyaanku ka wada baxaan dalka Soomaaliya tahay mid aad u sareysa hadana dhinaca kale waxaa si weyn isha loogu wada hayaa halka xaalku saldhigto maadaama ay meesha baneynayaan Ciidamo kooxaha Islaamiyiinta u arkayeen in ay yihiin Cadaw ku soo duulay dalka Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia