Axad, January 25, 2009(HOL): Afhayeenka Ciidamada Amisom Major Bridgye Bohouko ayaa sheegay in ay ka war heleen in lagu soo qaadi doono weerarro is-miidaamin ah oo loo adeegsanayo labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.
Major Bohouko waxaa uu intaas ku daray in labada gaari ee lagu soo weerarayo ay kala yihiin TOYOTO Hilux Surf gadood ah iyo TOYOTO Pick up buluug ah oo u eg nooca ay Ciidamada Booliska isticmaalaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay weerarradaas ay dhici karto in lala beegsado meelo ay dad shacab ah joogaan.
Afhayeenka Ciidamada Amisom oo Idaacadaha Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in sababta uu Idaacadahaas ula xiriiray ay tahay sidii ay dadka uga digi lahaayeenin ay qaraxyadaas waxyeello ka soo gaarto.
Dhanka kalena, Afhayeenka Ciidamada Amisom Majir Bridgye Bohouko oo ka hadlay eedeymo loo jeediyay Ciidamadooda oo ahaa in ay duqeeyeen goobo ay dad rayid ah joogaan sida Suuqa Bakaaraha oo kale ayaa sheegay in aysan duqeynin meelo ay dad rayid ah joogaan, wuxuuna duqeyntaas ku eedeeyay kooxaha ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in ay marna madaafiicda u tuurayeen dhinacooda mar kalena dhinaca goobaha ay dadka shacabka ah joogaan.
Hadalka uu sii daayay Afhayeenka Ciidamada Amisom Major Bridgye Bo-houko ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay qarax is-miidaamin ah oo ay ku dhinteen dad ka badan 15 ruux uu ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarrama, gaar ahaan inta u dhaxeysa Saldhigga Booliska Waaberi iyo Gurigii Shaqaalaha, iyadoo qaraxaasna la sheegay in loola dan lahaa Ciidamo ka tirsan Amisom oo ku sugan meel u dhow halka uu qaraxa ka dhacay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia