Isbitaallada Madiina, Dayniile, Banaadir iyo Martiini ee Magaalada Muqdisho oo Deeq lacageed la gaarsiiyay

Cabirka Farta


Axad, January 25, 2009(HOL): Isbitaallada Madiina, Dayniile, Banaadir iyo Martiini ayaa shalay waxaa la gaarsiiyay kaalmo lacageed oo ay soo dhiibtay Drs. Caasho Xaaji Cilmi oo si weyn u ololeysa badbaadinta Hooyada iyo Dhallaanka Soomaaliyeed.

Lacag Afar kun oo Doollar ah oo ay soo dhiibtay Drs.Caasha ayaa afartaas Isbitaal midkiiba waxaa la gaarsiiyay lacag kun doollar ah, waxaana lacagtaas gaarsiiyay meelaha loogu talagalay guddi loo xil-saaray oo ay ka mid ahaayeen Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle iyo Caasho Shaacuur Ugaas.

Abwaan Abshir Bacadle oo saxaafadda la hadlay kadib qeybinta lacagtaas ayaa sheegay in Drs. Caasha ay ku soo wargelisay in ay lacag Afar kun ugu deeqeyso Isbitaallada Madiina, Dayniile, Banaadir oo ay dad dhawaacyo iyo xanuunno kala duwan qaba ku jiraa iyo Isbitaalka Martiini oo ay ku jiraan Naafadii Xoogagga Dalka Soomaaliyeed iyo Qoysaskooda.

Deeqdaas lacageed ee ay Drs. Caasha Xaaji Cilmi u soo dhirtay Isbitaallada Madiina, Dayniile, Banaadir iyo Martiini ayaa waxay ka dambeeysay markii la guddoonsiiyay billad sharafta lagu magacaabo Right Livelihood Award ee micnaheedu yahay (Marinta Xaqa Nolosha) siiyey in ay xasuusato gabdhaha Soomaaliyeed ee xubnahooda ku waayey qaraxaas.

Mas’uuliyiinta Isbitaallada Madiina, Dayniile iyo Banaadir iyo hor-joogayaasha Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si weyn uga mahadceliyay Deeqda lacageed ee ay soo gaarsiisay Drs. Caasha Xaaji Cilmi, waxayna Allaah uga baryeen in uu kheyr ugu bedelo.

21-kii bishan ayay ahayd markii ay Drs. Caasho Xaaji Cilmi kaga farxisay 60 Haween ah oo ay waxyeello ka soo gaartay Qarax 3-dii Agoosto 2008 loogu geystay Wadada Maka Al-Mukarama xili ay halkaas ka wadeen howlo nadaafadeed, waxaana 12 Kun o Doollar oo ay u soo dhiibtay loogu qeybiyay min 200 oo Doollar.

Dhanka kalena, Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jirta Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la gaarsiiyay lacag 800$ oo ay soo kala dhiibeen Gabdho Soomaaliyeed oo ku kala nool Magaalooyinka Bolton iyo Hague ee dalalka Britain iyo Holland.

Gabdhaha lacagtan soo dhiibay oo lagu magacaabo Qadro Caddow iyo Faadumo Jaamac ayaa go’aansaday in ay kaalmeeyaan Naafada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira Isbitaalka Martiini, kuwaasi oo u muuqda in la iska iloobay.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia