Midowga Afrika oo cambaareeyay Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Axad, January 25, 2009(HOL): Madaxa Guddiga Midowga Afrika Jean Ping ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, wuxuuna qaraxaas ku tilmaamay mid fulaynimo ah oo argagixiso ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Maanta (shalay) weerar fulaynimo ah oo argagixiso ah ayaa ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo ay  socdaan dadaallo lagu nabadeynayo Soomaaliya, isla markaana lagu heshiisiinayo Dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Jean Ping.

Waxaa uu intaas ku daray Mr. Jean Ping in Midowga Afrika uu xoojinayo dadaallada dib u heshiisiinta iyo nabadeynta ah ee socda, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyed in ay wada hadlaan, isla markaana ay soo af-jaraan qalalaasaha ka taagan Soomaaliya  mudada 20ka sano.

Gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay oo uu saarnaa qof naftiisa huray ayaa wuxuu shalay ku qarxay inta u dhaxeysa Saldhigga Booliska Waaberi iyo Gurigii Shaqaalaha ee Wadada Maka Al-Mukarrama, halkaasi oo meel u dhow ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamada Amisom, wuxuuna qaraxaas geystay dhimashada dad gaaraya 15 ruux iyo dhaawac intaas ka sii badan, kuwaasi u badnaa dad rayid ah oo la socday gaari BL ah oo marayay meel u dhow halka uu qaraxa ka dhacay.

Afhayeenka Ciidamada Amisom Bridgeye Bahouko oo wax laga weydiiyay khasaaraha ka soo gaaray qaraxaas ayaa sheegay in hal Askari uu ka soo gaaray dhaawac yar, wuxuuna intaas ku daray in qaraxaas uu ahaa mid aan iyaga loola dan lahayn, isla markaana la doonayay in lagu waxyeeleeyo Dad Shacabka ah oo u socday goobahooda shaqo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia