Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo markii ugu horeysay ku shiraya Dalka Jibouti

Cabirka Farta

Axad, January 25, 2009(HOL): Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saaka wuxuu kulankiisii ugu horeeyay ku yeelanayaan Magaalda Djibouti ee Dalka Jibouti, iyadoo halkaasi ay siyaabo kala gooni gooni ah u gaarayeen Xildhibaanno kooram gaaraya.

Xildhibaannada ayaa marka ay saaka isugu tagaan Guriga Ummadda ee Jibouti waxaa marka hore loo sameyn doonaa xaflad soo dhaweyn ah oo ay wada jir u soo qaabeeyeen Dowladda Jibouti iyo Qaramada Midoobay, kadibna waxaa bilaaban doona kulanka Baarlamaanka.

Kulanka Baarlamaanka oo Xildhibaannada ka qeybgalaya ay gaarayaan 240 Mudane ayaa Ajendayaasha looga hadlayo waxaa laga sugayaa Guddoonka Baarlamaanka bacdamaa uusan jirin wax mooshin oo ah horyaalla, waxaana la filayaa in ay ka doodaan labo qodob oo kala ah in Baarlamaanka la ballaariyo iyo in la kordhiyo mudadii  lagu soo dooran lahaa Madaxweynaha TFG-da, kaasi oo ku beegan inta aysan bishan dhamaanin.

Kadib marka uu Baarlamanka Soomaaliya wax ka bedelo qodobadaas ayaa la filayaa in ay iyana xubnahooda Baarlamaanka soo gudbiyaan mas’uuliyiinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, iyadoo kadibna la isku dari doono xubnaha Baarlamaanka labada dhinac.

Wararka dheeraadka ah ee naga soo gaaraya Magaalada Jibouti waxaa ay sheegayaan in isku daridda xubnaha Baarlamaanka labada dhinac iyo doorashada Madaxda Dowlad-Midnimo-Qaran oo ay Soomaaliya yeelato ay qaadan karto muddo ka dheer intii la filayay oo ahayd inta aysan dhamaanin bishan, waxaana la hadal hayaa in doorashada madaxda dowladdaas ay gaari doonto ilaa todobaadka ugu horeeya ee Bisha Febraayo ee soo socota.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadaalka ka socda Dalka Jibouti ee la doonayo in Dowlad-Midnimo-Qaran loogu soo dhiso Soomaaliya ayaa waxaa si weyn uga dhur-sugaya Dadka Soomaaliyeed meel ay dunida ka joogaanba, waxaana si gaar ah isha ugu haya Dadka Muqdisho oo ku jira todobaadkii labaad oo ay si xor ah isaga kala gooshaan Degmooyinka Gobolka Banaadir kadib markii ay Ciidamada Itoobiya ka baxeen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia